Washington Oct 28,2013(SDN)-Madaxa hay’ada amaanka Mareykanka ee NSA Keith Alexander ayaa sheegay in aanu madaxweynaha Mareykanka Barack Obama kala hadal in ay dhegeysteen Telephone-ka haweeneyda Hogaamisa dalka Jarmalka Angela Merkel.
Gen Alexander oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay war saxaafadu qortay oo tibaaxayay in madaxweynaha Mareykanku ka war hayay dhegeysiga Angela Merkel.
Wararka saxaafadu daabacday ayaa lagu sheegay in NSA-du ay dhegeysaneysay Telephone-ka haweeneyda hogaamisa Jarmalka mudadii u dhaxeysay 2002dii ilaa iyo bartamihii 2013ka.
Iyo in sidoo kale sirdoonku u sheegeen in madaxweyne Obaama in madaxda ay dhegeystaan ay ka mid tahay Agela Merkel.
Afhayeenka aqalka Cad e eMareykanka looga taliyo Jay Carrney ayaa dhawaan sheegay in Mareykankau aaney iminka iyo mustaqbalkaba dhegeysan doonin Merkel.
Waxaase aanu afhayeenku cadeynin in Hay’ada amniga ee NSA aaney hore u dhegeysan madaxa dalka Jarmalka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
