Hargeysa:28-Oct-2013(SDN)-Qorshaha lagu Diiwaangelinayo Dadweynaha ee Loo yaqaanno (Population Estimation Servey) oo ay waddanka ka wadday Hay’adda UNFPA, ayaa abuurtay muran iyo is qabqasi bulshada dhexdeeda ah.
Qorshahan oo haatan ku jira Wajigiisii labaad, ayaa xambaarsan Qodobbo Halis ku ah qaranimada Somaliland oo lagu sargooyey Nidaamkii Dawladdii Soomaaliya ee 18-ka Gobol ahaa, taas oo sidoo kale laga wado Dhinaca maamulka Puntland.
Qorshahan lagu waday inuu Toddobaadkan ka bilaabmo dhammaanba Gobollada kala duwan ee Somaliland, ayaa shaqaalihii u bixi lahaa Deegaanka Gabiley oo la sheegay inuu hoos imanayo Gobolka Maroodijeex oo xisaabsan Gobolka W/galbeed, waxa uu keenay in Shacabka ku dhaqan Deegaanka Gabiley ka Horyimaaddaan oo iska Diidaan inay ka shaqeeyaan shaqaale laga soo diray Hargeysa.
Arrintan ayaa keentay in shacabkaasi si aad ah uga soo horjeestaan shaqaalaha uga tegaya Magaalada Hargeysa, iyadoo Ardayda Jaamacadda Timacaddena si aad ah uga biyo diidday in laga hororsado shaqo ay xaq u leeyihiin, waxana ay xukuumaddu Go’aan ku gaadhay in Shaqaalihii Gabiley Loo diray oo tiradooda lagu sheegay dhawr iyo labaatan qof lagu hakiyo Degaanka Arabsiyo oo ay Habeenkii xalay u hoydeen.
Arrimaha kale ee dabka ku shiday hannaanka hawshani ku socoto, ayaa waxa ugu horreeya Afar masuul oo ka tirsan wasaaradda Qorshaynta oo sida ay sheegayaan ilo wareedyo aanu Hellay iyagu madaxa ku duubtay maamulka iyo jaangoynta shaqaalaha barnaamijkan wadaya.
Afarta Masuul oo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal, islamarkaana u kala sarreeya Maamulka wasaaradda marka laga tago wasiiirka, ayaa la sheegay inay shaqaalaha Barnaamijkan loogu talo galay u maamuleen nidaam ka fog caddaaladda iyagoo si cad uga fuudh yeelay Gobolka ay ka soo jeedaan ee Awdal oo ay siiyeen inta badan shaqaalaha hawshan gacanta ku hayn doona.
Masuuliyiintan oo sidoo kale lagu eedeeyo inay maroorsadeen shaqada wasaaradda, ayaa kala ah Wasiir-ku-xigeenka wasaaaradda Qorshaynta qaranka xasan Daahir Dhimbiil, Agaasimaha Guud, Cabdirashiid Axmed Guuleed, Agaasimaha Maamulka iyo lacagta cismaan jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Statistic-ka xasan Jaamac Cabdilaahi, Waxana ay si cad iskugu Bahaysteen inay si gaar ah oo sed Bursiimo ku jirto u maareeyaan shaqaalaha hawshan wadaya.
Sida ay sheegayaan wararka hoose ee soo gaadhaya shabakadda Qurbejoog.com, shaqaalaha hawshan loo qoondeeyey ayaa tiradooda lagu sheegay inay yihiin 225-qof, waxana ay kooxdan masuuliyiinta ahi 120-ka mid ah ka soo qoreen Gobolka Awdal oo ay ka soo jeedaan, halka ay Gobolladii kale ee Somaliland oo dhanna siiyeen inta kale ee Soo Hadhay.
Sidoo kale arrimaha kale ee murugga geliyey Hawshan ayaa ah in barnaamijkani ku salaysan yahay Hannaankii hore ee dawladdii soomaaliya, taas oo ah in Min Berbera ilaa Gabiley ay ahayd Waqooyi-galbeed, balse Haatan Berbera shaqaalaha ka hawl geli doonaa waa kuwo Gobolkaas ka soo jeeda, halka Gebiley la qoondeeyey in loo diro Wiilal ka soo jeeda Hargeysa, waana arrinta muranka ugu weyn dhalisay haatan.
Hannaankan afarta masuul ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ay shaqaalaha u qaabeeyeen, ayaa Guud ahaanba Somaliland ka dhaliyey Guux iyo qaylo fara badan, waxana xarunta wargeyska Hubaal soo gaadhayo cabasho farabadan oo dadku kaga cabanayaan habka loo maamulayo shaqaalaha barnaamijkan gacanta ku haya oo meel gaar ah loo cuuray.
Xukuumadda oo had iyo Goor il gaar ah ku eegta Gobolka Gabiley, ayaa markii ay aragtay sida ay uga biyo diidsan yihiin Shaqaalaha loo diray, waxa ay amar ku bixisay in la jidka lagu joojiyo koox Hargeysa ka ambabaxday oo loogu talo galay inay Gabiley ka hawlgalaan, waxana kooxdaasi ay Haatan Deggen yihiin Albeerko ku taalla Magaalada Arabsiyo oo u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeysa.
Kooxdan shaqaalaha ah ayaan loo sheegin sababta keentay in dhexda laga celiyo, waxana la Go’aamiyey sida xukuumadda caadada u ah in Saaka ay Hargeysa ka dhaqaaqaan Wafti Ballaadhan oo inta la ogyahay uu hormood u yahay Cabdilaahi Xuseen Cige(Black), kuwaas oo horgeli doona shaqaalahan Reer Gabiley ka biyo diideen, walise ma cadda waxa loo hayo reer Gabiley ee lagu qancin doono.
Gobollada Kale ee Somaliland oo iyagana shaqaale loo diray, ayaan wali la soo sheegin meel cidi ka soo noqotay, balse waxa meel walba ka taagan cabasho la xidhiidha saamiga shaqaalaha oo fartu ku Godan tahay in cid gaar ah sedbursiimo la siiyey.
Barnaamijkan ayaa waxa Maalgelinaya Hay’adda UNFPA, Waxana haatan maamulkeeda si toos ah loogu wareejiyey Wasaaradda qorshaynta, iyadoo uu hawshaasna si gaar ah gacanta ugu Hayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda oo aan isagu wali ka tegin shaqadii hore ee uu hayey ka hor intii aan xilkan loo dhiibin.
Barnaamijkan oo aan inta badan shacabka reer Somaliland fikir ka haysan, islamarkaana haatan maraya wajigiisii 2aad, ayaa haatan la tirinayaa qoys waliba inta qof ee uu ka kooban yahay si loo helo qiyaasta dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo heerka Noloshoodaba.
Mashruucan oo ah Mid Somaliweyn dabada ku haya ayaa qorshihiisu yahay in qiyaasta ka soo baxda tirada dadweynaha Somaliland iyo Puntland iyo weliba gobollada kale ee Soomaaliya ay noqon doonto Saami-qeybsiga mucaawinooyinka iyo deeqaha kale ee caalamiga ah lagu qaybin doono.
Mashruucan ayaa wejigiisii hore ku burburay kadib markii wasiirka Qorshaynta Somaliland uu fashiliyey tirakoob ka soo baxay qiyaastaas hore oo wadartoodu kala badatay dadka ku nool magaalada Hargeysa iyo Magaalada Boosaaso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
