|

Madaxweynaha Punt land oo daahfuray Xarunta Wasaarada Distoorka iyo Arrimaha Federaalka

Garowe 31.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa galabta daah furay wasaradda dastuurka,arrimaha fedaraalka iyo Dimoqraadiyeenta Puntland.

Gaas_4Munaasibad wasaradaasi cusub lagu furayayna waxaa kasoo qayn galay Gaas ku xigeenkiisa inta badan wasiiradda,xildhibaano hay’addo caalamiya oo Puntland iyo guud ahaan Somalia taageera waxana lagu soo bandhigay shaqada wasarada.

Ugu horayn wasiiradda wasaradda dastuurka & arrimaha fedaraalka Sahro Siciid Nuur ayaa sheegay inay xooga saari doonaan saddex qodob oo kala ah Dastuurka,Federaalka iyo dimoqraadiyeenta oo dhamaantoodaba saldhig u ah hormarka iyo mamul wanaaga guud ahaanba Soomaaliya.

Sahro waxay sheegtay mudadii ay wasaddu jirtay inay wax badan u qabsoomeen isla markasna ay ku rajo wayn yihiin mustaqbalka dhow in laga guul gaaro himilooyinka la tiigsanayo oo ay ka mid tahay in dalku uu gaaro nidaamka fedaraalka iyo mamul wanaaga.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa muujiyay inay ku qanacsan yihiin wasaradda iyo shaqada ay gacanta ku haysto wuxuna Sahro Siciid Nuur ku tilmaamay inay tahay shaqsi howshan kasoo bixi karta guul-na usoo hoyday haweenka Puntland oo gollaha wasiiradda ka helay shan xubnood oo labo wasiir iyo saddex ku xigeen iskugu jira.

Nidaamka fedaraalka ayaa lagu rajo wayn yahay inuu guud ahaanba dalka ka dhaqan galo inkastoo lagu dhaliilayo madaxda Muqdisho inaysan ka go’an dhaqan galinta nidaamkasi.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto nidaamka mamulka baahsan iyo kala danbaynta waxana lagu wadaa 2019-ka in loo gudbo doorashada dadwaynaha.

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed