|

Madaxweynaha Punt land oo Nidar Ku Maray Soo Celinta iyo Gaadhitaanka Xuduudaha Maamulkiisa iyo Wasiiro Somaliland ah oo la Kulmay

Hargaysa 30.April 2014 (SDN/QJ)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Daakhiliga ee Jamhuuriyadda Somaliland – Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

maxamed-biixi-iyo-warancadde-226x300Labada wasiir oo maalintii Isniinta ka soo laabtay shir weyne ay 26 ilaa 27 April kaga qaybgaleen magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya, ayaa saxaafadda u sheegay inay halkaas kula kulmeen Madaxweynaha Puntland, isla markaana kala hadleen khilaafka ku saabsan degaannada bariga oo maamulkaasi ku sheegto haybta qabiil.

 

“Waxaannu la kulannay Madaxweynaha Puntland. Somaliland waa waddan xor ah oo aan weli la ictiraafin, laakiin kelidii taagan oo leh xuduud mucayin ah oo aanay Somaliland samayn, balse  Ingiriiskii ka tagay. Waannu u sheegnay Madaxweynaha Puntland halka xuduudka Somaliland joogo, nabadgelyo iyo wanaag ayaana innaga dhexeeya (Somaliland iyo Puntland), ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa markii uu dhammaaday shirkii ay dalka Itoobiya kaga qaybgaleen, waxa farriin uu ku baahiyey barta facebook ee uu internet-ka ku leeyahay ku sheegay inay si dhaqso ah u soo celin doonaan dhulka maamulkiisa ka maqan oo uu ula jeedo degaannada Sool, Buuhoodle iyo bariga Sanaag oo Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan.

”Xuduudaha Puntland in aannu gaadhno waa ballan aannu dadka ka qaadnay, waanay naga go’antahay sida ugu dhaqsaha badan in aannu ku gaadhno insha Allaah,” ayuu yidhi Mr. Gaas, isagoo intaas ku daray; ”Ciidanka Puntland waxay awood u leeyihiin inay difaacaan qaranimadda Puntland oo ay sugaan xuduudaha dalka iyo nabaddiisa.

 

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed