Hargeysa 8, 4 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada xuska munaasibadda 18-ka May, kahor intii aanu maanta ka dhoofin madaarka Hargeysa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabanqaabada xuskaas u magacaabay guddi 15 xubnood ka kooban, kuwaasoo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Qoraalkaas oo dhamaystirani, wuxuu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/MG/241-1695/042013 ku magacaabay Gudi heer qaran ah, qaban-qaabada Xuska 18-ka May. Gudidaas oo ka kooban 11 xubnood waxa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).
Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May ee Madaxweynuhu Magacaabay:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warshadaha
Ku: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda
Ku: La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirade badan yahay
Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebbe idmo Xuska sanad guuradda 22aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 22aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
