Uncategorized

War Murtiyeed ka soo Baxay Shirka Jaaliyadda Degta Gobolada Koofurta Soomaaliya‏ Kadib Kulan Ay Ku Yeesheen UK “SAWIRRO”

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOBOLADA JUBOOYINKA

Ku: dhamaan Safaaradaha fadhiya Soomaaliya

Ku: Xafiiska IGAD Somaaliya

Ku: Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Ku: Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya

Og. Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya

Og. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya

Og. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedo: War Murtiyeed Jaaliyada UK ee Koofurta Soomaaliya

Beryahanba waxaa socday kulamo looga hadlayay arimaha maamul samaynta Jubooyinka, waxaaa magaaladalada London lagu qabtay shirweyne ay kasoo qayb galeen dhamaan beelaha dega Jubooyinka, oo isugu jira Aqoonyahan, Waxgarad, Salaadiin, Siyaasiyiin, Culumaaudiin, Haween, Dhalinyaro iyo Ururo.

Wuxuuna Shirweynahu ka dooday xal u helidda maamul sameynta gobolada Koofureed oo kala ah ( J/Hoose, J/Dhexe, Gedo, Baay, Sh/Hoose iyo Bakool) dood iyo falanqeyn dheer ka dib wuxuu shirku soo saaray War Murtiyeedkaan:-

1- Maadaama aysan xur ahayn goboladaas, shirku waxuu ku talinayaa in la xureeyo ayadoo laga reebikarin 6da (lixda) gobol lana kaashanaayo shacbiga soomaaliyeed, ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

2- In maamul sameynta goboladaas si wada jir ah looga wada tashado dhamaan bulshada goboladas deggan, ayada oo hogaan u yihiin Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha bulshada. Doowlada Federaalkana hogaanka u qabato shirka gogosha taal Magaalada Baydhaba si waafaqsan Dastuurka.

3- In dhismaha maamul sameynta goboladaas koox gaar ah marnaba samayn maamul loo dhamayn, saldhig looga dhigo Wadatashi, Sinaan iyo Cadaalad.

4- Shirka wuxuu dowladda federalka ah u soo jeedinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay talaabo deg deg ah ugu qaado fowdada ka jirta magaalada Kismaayo si aysan umada Soomaaliyeed dib ugu noqonin dagaaladii sokeeye ee dhaxal siiyay baaba’a iyo halaaga.

5-Dowlada Kenya ee aan nahay dal saaxiib ah daris wadaag nahay waxuuu shirku ugu baaqayaa in ay ka fogaato wax kasta wixii umadda soomaaliyeed carqalad u keeni kara isla markaasna aysan la safanin koox gaar ah.

6- Beesha caalamka waxaan ugu baaqeeynaa in markasta umada soomaaliyeed la garab istaago si dhax dhaxaad ah, lana tashato DFS ayna la safan koox gaar.

7- Shirku waxuu taageero buuxda u soo jeedinayaa dowlada federaalka ah, guulihii ay ka soo hoysay gudaha iyo Debadaba, waxaana cambaareynaynaa cid kasta oo isku dayda burburka umadda Soomaaliyeed.

                 Mahadsnidiin

Magacyada shir guddonka shirka

1-Suldaan: Khalif Mumin Tooxoow

2-Suldaan: Ali Hassan Osman

3- Ugaas: A/llahi Abdi Kulane

4-Malaaq: Sh. Aden Moalim Aliyow

5- Ugaas: A/Raxman Moalim Ali

6-Nabadoon: Yasin Abdi Max’ed (Bulsho)

7- Dr. Caziiza Ahmed Aliyow

8-Raashida Mahamed Cigale

9- Imaan Max’ed Imaan