|

Madaxweynaha Somaliland Oo Imaaraatka Ka Tacsiyadeeyey Ciidammo Dhowaan Kaga Dhintay Waddanka Yemen

Hargeysa,6sep,2015(QJ/SDN)-Sida lagu sheegay qoraal caawa kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Uuna ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Waddanka Imaaraatka Carabta Ka Tacsiyadaynayo Ciidammo dhowaan kaga dhintay Waddanka Yemen

waxana qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey shebekeddan Oodweynenews u dhigan yahay sidan:-

TACSI MADAXWEYNE – 06/09/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa dawlada Imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo ciidamadii ka tirsanaa imaaraadka Carabta ee dhawaan ku dhintay Dalka Yamman oo kooxo nabad- diidi ay qas ka wadaan dalka yamman.

Hore ayey Somaliland u caday mawqifkeeda ku wajahan qalalaasaha yamman ka socda oo dawladii sida sharciga ah uga jirtay yamman ay duulaan ku soo qaadeen kooxo nabadgelyada iyo degenaanshaha gobolkaba cadaw ku ah, waxaanan taageeraynaa dedaalada imaaraadka carabta iyo sucuudi arabiya ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan shacbiga yamman, aadna waxa aan uga xunnahay ciidamadaasi imaaraadka ee lagu laayey dalka yamman, shacbiga imaaraadka, dawlada imaaraadka iyo Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan tacsi ayaanu u daraynaa.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed