|

Faysal Cali Waraabe Oo Riwaayad Ku Tilmaamay Heshiiskii Shalay Dowladda Soomaaliya La Saxeexatay Shirkadda Spectrum ASA

Hargeysa,6sep,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Markii Ugu Horraysay ka hadlay heshiis shalay ay dowladda Soomaaliya la saxeexatay shirkadd shidaal Sahmin ka bilaabi doonta Xeebaha Dalka Soomaaliya shirkaddaasi oo lagu magacaabo Spectrum ASA. Heshiiskaasi oo la sheegay in lagu sahminayo dhul-badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu Sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey). Haddaba Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa Heshiiskaasi ku tilmaamay riwaayad la doonayo in lagu bililiqaysto dhaqaalaha iyo khayraadka dadka Soomaalida ‘’Waa riwaayad la doonayo in dadka soomaalida dhaqaalaheeda iyo khayraadkeeda lagu bililiqaysto, arrintan horay ugu timid tan oo kale barigii ina Cabdirashiid uu ahaa Raysal-wasaaraha baarlamaankuna waa kuwii diiday, maantana waxay ila tahay in baarlamaanku ogolaan doonin, waayo khayraadku dadka soomaalida ayuu ka wada dhaxeeyaa…’’ Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL

Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan dhulka Somaliland la iman Karin isla mar ahaantaana la qodi karin  wax shidaal baadhis ahna laga sammeyn karin, isagoo weliba guddoomiyuhu sheegay in Soomaliland ay leedahay ciidamo ku filan oo aan laga soo gudbi Karin ‘’Wax suurto gal ah maaha, dhulkeena lama qodan karo ciidamo ayaynu leenahay , wax suurtagalayana maahan…’’

Isku soo wada duuboo maalinkii shalay ayay ahayd Markii dowladda soomaaliya ay heshiis shidaal-sahmin ah  la saxeexatay shirkadda Spectrum ASA, iyadoo deeganada Shidaal-sahminta laga bilaabi doono lagu xisay heshiiska deegaano ka tirsan Somaliland, Balse dowladda Somaliland ayaan iyadu illaa hadda  ka hadlin heshiiskaasi.

Khaalid Foodhaadhi

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed