Jabuuti Mar 22,2012(SDN)-Waxa maalmihii u danbeeyay ruxay magaalada Jabuuti hadal heynta xadhig dhawaan loo geystay mid ka mida ganacsada reer Jabuuti ee da’ada yar oo xukuumadana ay aad isugu dhawaayeen.
Ganacsade Cali Cilmi oo Cai OUSS oo leh Jibmarket ayaa dhawr todobaad ka hor xabsiga la dhigay ka dib kolkuu ka soqdey safar uu ku tegay Paris.
Cali Ouss oo madaxtooyada Jabuuti ay aad isugu dhawaayeen ayaa la sheegay in uu fashiliyay lacago lagala baxay Baanka BCI Red Sea ee ay wada-jirka u wada maamulaan dalalka Faransiiska iyo Jabuuti.
Cali Ouss waxa la sheegay in uu Faransiiska u guddbiyay xog la xidhiidha lacago ay ganacsato reer Jabuuti ah oo Madaxtooyada xidhiidh ka dexeeyo kala baxeen Banka BCI tiyoon sifo sharci ah loo marin.
Faransiiska ayay tahay in lacagaha la amaahanayo ay ansixiyaan ka dib kolka ay qiimeeyaan.
Madaxda BCI ee Farance ku nool ayaa la sheegayaa in aaneyba ka warheyn lacagahan Baanku bixiyay,isla markaana ay xidhiidh la soo sameeyeen Jabuuti.
Mashaariicda ganacsi ee lacagahan loo amaahday ayaa gebi laga hirgeliyay Somaliland,taas oo qudeeda xasaasiyad gaadha Jabuuti ka dhalisay.
Waxaana ka mid ah ayaa la leeyahay mashaariicdaasi ta wershada Coca Cola iyo ta Somcable.
Qaar ka mid ah dadka reer Jabuuti ee Mashaariicdan ka soo horjeeda ayaa ku cabanaya in ay aheyd in dhalinta reer Jabuuti shaqo abuur loogu sameeyo.
Ganacsade Cali Cilmi Ouss ayaa xadhigiisan waxa uu u soo jiiday hadal heyn iyo sumcad gaadha,inkasta oo intii aanu fadeexadan soo bandhigin uu ka mid ahaa uun dadka tirada yar ee la sheqeysta xukuumada Jabuuti.
SDN-Jabuuti
