|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo faah faahiyay kulamo uu la qaatay Madaxda Midowga Yurub

Brussels Jan 31 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah wuxuu ka bixiyay kulamo uu la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub oo uu kula kulmay Dalka Belguimka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay isaga oo uwaramaye laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen madaxda Midowga Yurub ay tahay waayaha cusub ee Soomaaliya iyo Dowladda aan KMG aheyn sida Midowga Yurub ay uwada shaqeyn lahaayeen.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha kale oo ay kawada hadleen ay tahay sidii Soomaaliya dhanka dhaqaalaha looga taageri lahaa maadaama Dowladda cusub ay tahay Dowlad aan KMG aheyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay aad iyo aad isku afgarteen madaxda ay wada kulmeen sidii Soomaaliya Dowladnimadeeda ay usoo kaban laheyd.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd in balan qaadyo dhanka dhaqaalaha uu ka helay madaxda Midowga Yurub ayaa wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay leedahay miisaaniyad dhowrkii sanabo mar la dejiyo oo loogu talogalay Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in sanadkaan dabayaaqadiisa Midowga Yurub ay qabanayaan shirweyne muhiimad gaar ah leh islamarkaana ujeedkiisa uu yahay dib udhiska qorshe 10-sano ah oo Soomaaliya dib loogu dhisayo.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa iminka ku dadaalaysa soo nooleenta xiriirka Soomaaliya uu la lahaa caalamka maadaama iminka ifafaalada ka iftiimaysa dalka ay tahay mid nabadeed madaxda cusubna ay ku dadaalayaan inay la yimaadaan isbedel ka duwan kuwii hore.

SDN-Brussles 

Comments are closed