|

Shir looga hadlayay la dagaalanka Al Shabaab iyo Burcad badeeda oo ka dhacay magaalada Garoowe ee Puntland

Garoowe Jan 31 2013 (SDN)— Shirkani oo ay wada qaateen masuuliyiinta maamulka Puntland iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Denmarka ayaa waxaa looga hadlaye la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidoo kale Burcad badeeda.

Markii uu soo dhamaaday shirkaasi kadib ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay afhayeenka maamulka Puntland Axmed Cumar Xersi Libaax Joore.

Libaax Joore ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay sidii la isaga kaashan lahaa Al-Shabaab iyo burcad badeeda oo la aaminsan yahay sida uu sheegay inuu xiriir ka dhaxeeya,waxaana uu sheegay in lacagaha ay madax furashada u qaataan burcada ay qeyb ka qaataan Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in la isku afgartay la dagaalanka Al-Shabaab islamarkaana ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay diyaar u yihiin sidii ay Shabaab uga difaaci lahaayeen deeganada maamulkaasi.

Deeganada maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaasi oo weeraro kusoo qaada fariisimada ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin deeganada Gobalka Bari.

Comments are closed