|

Madaxweyne Faroole:Macno weyn kuma fadhido hadalhaynta ah in Dalka Soomaaliya maadaama uu Maraykanku aqoonsaday uu isbedel ku keeni karo marxalada dalka

Garoowe Jan 31,2013(SDN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka hadalay aqoonsigii dhawaan ay dawlada Mareykanku ku aqoonsatay dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aqoonsigaasi aanu wax isbedel ah ku keeneyn xaaladaha siyasadeed ee dalka,khaasatan Puntlanad.

Hadalada Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa ka mid ahaa;“Maalmahan waxaa leysla dhexmarayay Mareykan baa dalkii Aqoonsadayoo waxbaa is bedelaya war waxaan leeyahay sidii la doono yaan loo hadlin taana yaan la rumeysan cidna cidkale Hormarkeeda kama hor istaagi karto Dowlada federaalka ee la sheegayo waxaa lagu dhisay Dastuurkii lagu sameeyey Puntland hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya iminka ka jirta hadiise leys ogoleysiin karin Soomali weyn Puntland wey tashaneysaa waxbaana inoo Dagsan waana la yaqaanaa.

Waxaan leeyahay yaan been laysku sheegin oo la oran Maamulada Gobolada Somaaliya inagaa idiin dhiseyna si ku meelgaar ah sida ay sheegeen Madaxda Dowlada Somaaliya, qaabka wax loowadana runtii nagama daadagin mana aqbaleyno Arimaha aan leysla ogayn ee sida hoose u socda, ma aqbaleyno in Dastuurkii dhibkii la ogaa aynu kasoo marnay in sidii la doono loogu tunto anagana aan ka aamusno ma dhacayso , wadahadal iyo xiriiro ayaa jira, laakiin waxaan leeyahay ama isla go’nay ama heshiishiinay Maslaxadse Diyaar baanu u nahay Hadaan nahay Dowlada Puntland iyo Shacabkeeda”.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisu u muuqdaa in uu jawaab u yahay in aqoonsiga Mareyku dhawaanta siiyay aaney ka dhigneyn in talada dalka ay ku keliyeysato.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed