|

Madaxweynaha Yemen oo dhambaalo Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Guud ee dalka Kanada, maxay tahay sababtu?

Sanca 30, June 2012 (SDN/Saba)- Madaxweynaha dalka Yemen Abdo Rabbo Mansour Hadi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Siday sheegtay wakaalada wararka dalka Yemen ee Saba, Madaxweyne Mansour Hadi oo dhowaan qabtay hoggaanka dalkaas waxa uu Sabtida maanta dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku hambalyeeyay maalinta Qaranimada dalkiisa.

Warku wuxuu intaa ku daray, in sidoo kale Madaxweyne Hadi waxa uu dhambaal kaas la mid ah u diray Hoggaamiyaha Guud ee dalka Kanada David Johnson oo uu ku hambalyeeyay Maalinta Qaranimada dalkiisa.

Madaxweyne Abdo Rabbo Mansour waxa uu hore u ahaa Madaxweyne kuxigeenkii Cali Cabdalla Saalax, ka hor intii aan Mr. Saalax kacdoon dadweyne ku khasbin inuu xilka ka dego.

 

Qurbejoog.com, Sanca

Comments are closed