|

Sheeko Kale Keen: Waa Guran Yahay! Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Nin Ingriis ah iyo xaaskiisii ayaa sheeko dhex martay. Ninkii ayaa xaaskiisii su’aal weydiiyay, oo ku yidhi, “Gacalo, haddii aan dhinto, miyaad dabaday guursan?” Gabadhii way naxday, oo murugaa markiiba roortay, in u muddo ahna way aamustay. Iyada oo weli murug roorsan, ayay waxay u celisay, “Waxay ila tahay inaan guursan. Maxaa yeelay, wehel iyo ubadba waa loo baahanyahay.”

“Haddii aan dhinto oo aad guursato,” ayuu weydiiyay ninkii,”ma gurgan ayaad kuwada noolaan doontaan ninkaad guursato?” Waxay u celisay, “Gurigan lacag badan ayaynu gelin inaynu sida uu maanta yahay ka dhigno. Mana doonayo inaan gurigeen ka tago. Markaa, gurigan ayuun baanu ku wada noolaan.”

Wuxu u celiyay, “Haddii aan dhinto, oo aad nin guursato, oo aad gurigeenan kuwad noolaataan, ma qalabkan imika gurigeena yaala, ayaydun adeegsan?” “Lacag badan ayaa qalabkan inagaga baxday,” ayay ku tidhi, “waana qalab in badan la adeegsan karo. Markaa isaga ayaanu baanu adeegsan.”

Wuxu u celiyay, “Haddii aan dhinto, oo aad nin kale guursato, oo aad gurigeenan kuwada noolaataan, oo aad qalab keenan adeegsataan, ulahaygan aan golofka ku cayaarona, ma adeegsan doonaa?”

Waxay gabadhi ugu jawaabtay, “Maya! Maya! Waa guran yahay!!!”

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Comments are closed