Uncategorized

Madaxweyne C.raxmaan Faroole oo Madaxtooyadiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Somalia

Garowe 27.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa  ku qaabilay xarunta Madaxtoyada Garowe Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Andrea Mazzela oo maanta booqasho ku soo gaaray magaalada.

Xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga iyo hay’adda UNOPS ayaa wehelinayay safiirka, waxana sidoo kale joogay kulanka masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Socdaalka Safiirka Taylaaniga ee Somalia uu Garowe ku yimi ayaa salka ku haya sidii looga war qabi lahaa barnaamijyo hormarineed oo ay Talyaanigu ka wado Puntland,waxana lagu wadaa galabta inuu booqdo masuulkaasi Wasaaradda Caafimaadka iyo warbaahinta Dowlada oo Talyaanigu ugu deeqay dowladda.

Xiriir wada shaqeyneed oo qoto dheer ayaa ka dhaxeya Puntland iyo Talyaaniga, waxana sidoo kale qayb ka yihin dhismaha garoonka diyaaradaha Bossaso.

Kama aysan hadlin mausuliyiintu imaatinka safiirka iyo kulankii dhexmaray Puntland.

2_9 3_7 4_7 5_7 6_6 (1) 6_6 7_6 (1) 7_6 8_5 9_3 10_4 IMG_1814

Garowe SDN.

Qurbejoog.com