Boorama 27.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa kulan kula qaatay Jaamacada Camuud Maamulka iyo ardayda wax ka barata Jaamacadaas isla markaana ka wacyigeliyay Khatarta tahriibka.
Xafladaas waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo sheegay baahida loo qabo sidii ay da’a yarta Somaliland uga Waantoobi lahayd ficilada foosha xun ee Tahriibku ka midka yahay kaas oo Galaaftay Nolosha da’a yar badan oo dalka u soo Kacaysay .
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal oo isaguna ka hadalay halaasi ayaa waano dheer u jeediyay dhalinta waxana uu hoga tusaaleeyay in wadamada reer galbeedka ah ee loo tahriibayaa ay dadkoodu u tashadeen isla markaana ay wax ka dhigeen, sidoo kalena loo baahan yahay in muruqa dhalinteena aanay dalal kale ka faaiidaysan ee aynu uga faaiidayno dalkeena waxana uu yidhi “Ma aha shaqo la’aan wax laga tahriibayaa, bal u fiirso, marka uu qofku tahriibo waxa laga daba gaynayaa lacag aad u badan oo naftiisa lagu badbaadinayo, hadii Tahriibta meesha ka saarno, waa hubaal in lacagtaasi ay dib u gali lahayd dalkeena isla markaana ay shaqo abuurka qayb ka noqon lahayd”
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland Mudane Cabdi Waaxid C.qaadir C.raxmaan oo sheegay in dhalinyaradu ay yihiin xoogii u soo kacayay dalka isla markaana Majaraha u qaban doona hogaaminta Wadanka ee Mustaqbalka soo socda,Waxaanu uga digay talaabo kasta oo carqalad ku noqonaysa Noloshooda danbe isagoo si gaar u soo qaatay Tahriibka iyo wixii la mid ah .
Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi “Tahriibtu waa hubaal inay dhibaato badan u keentay tahriibtu dhalinyarada dalkeena, hadii ay shaqo la’aantu tahay faraca Tahriibta xukuumadu maanta waxa ay shaqaalaysiisay 13kun in kabadan oo shaqaale ah oo dhalinyaro u badan, sanadka cusubna waxa u qorshaysan inay shaqo abuur badan iyo shaqaalaysiin samayso, sidaasi aawadeed waa arin waajib ah in aan wax ka barano dhibaatada qaran ee Tahriibta ee na haysata, waxa aan u baahanahay in qof walba iyo qoys walba iyo guud ahaan qarankuba aan ogsoonaano in Tahriibtu ay naafaysay nolosheenii iyo dadnimadeenii, loona baahan yahay inaan ka qaadano go’aan kama dambayn ah oo heer qaran ah oo lagula tacaalayo masiibadaasi hoosta naga soo gashay”.
Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay xubno door ah oo isugu jira Aqoon yahan,iyo Wax garad kale ,Xubnahan Wasiirada ah ayaa Mudo Sadex cisho ah hawlgal wacyigelinta tahriibka ah ku joogay magaalada boorama.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com
