Uncategorized

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeer ku Soo Maray Goobaha Tirada Yar ee Diiwaangelinta Madaniga ahi ka Socoto SAWIRO

Hargaysa 19.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu maanta Kormeer kedis ah ku soo maray qaybo ka mida Wasaaraddaha Dalka, Goobaha Diwaangelintu ka socoto iyo Hay’adda Shaqaalaha.

Madaxweyne ku xigeenka oo aan haba yaraatee wadan baabuurta Ciidanka iyo Askar marka laga reebo Taliyaha Ciidanak Ilaalada Madaxtooyada Gashaanle sare Axmed Cilmi Maygaag, ayaa kormeer kedis ah ku soo maray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu markaasi ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka Xafiis kasta oo wasaarada ka mid ah soo mariyey ugana war bixiyey hawlaha shaqo iyo sida ay ka wasaarad ahaan ugu heegan ka yihiin dhalin yaro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo markaasi ay ka socdeen hawlo shaqo oo aad u baaxad badan iyo shirar kala duwan, waxaana halkaasi ku dhamaa masuuliyiinta wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cali Maxamed Cali , Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolkada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaarada.

Madaweyne ku xigeenka oo sii wata hawlihiisa Shaqo ee la xidhiidha xogogaal u noqoshada hawlaha qaranka ay wasaaraduhu u hayaan ayaa waxa uu u sii gudbay wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiintoodu.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray qayb ka mid ah goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Muwaadinku, gaar ahaan Degmada Gacan libaax, waxa uu madaxweyne ku xigeenku la kulmay muwaadiniin badan oo safaf ugu jira duwaangelinta muwaadinka, iyo shaqaalaha ku hawlan diwaangelinta una adeegaya dadkooda iyo dalkoodaba.

waxaana halkaasi madaxweynaha war bixino ku siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha gudaha.

waxaanu madaxweynuhu ku hambalyeeyey shaqaalaha diwaangelinta meel ay joogaanba hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, shacbiga somalilandna waxa uu ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan kuwo qarankooda metela oo buuxiya shuruudaha muwaadinimo isna diwaangeliyaan si ay u qaataan kaadhka aqoonsiga muwaadinka ugana duwanaadaan ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku kuwa soo gelootiga ah ee aan u dhalan dalkeena.

IMG_0005 IMG_0009 IMG_0010 IMG_0012 IMG_0014 IMG_0017 IMG_0021 IMG_0033 IMG_0039 IMG_0046 IMG_0048 IMG_0049 IMG_0053 IMG_0060 IMG_0071 IMG_0074 IMG_0078 IMG_0079 IMG_0085 IMG_0096 IMG_0106 IMG_0114 IMG_0121 IMG_0125 IMG_0146

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com