Uncategorized

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme iyo Shaybaadh Casri ah oo loo sameeyay Wasaarada beeraha

Hargaysa 02.March 2014 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil    [ saylici] ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic isagu jira dhismayaal iyo shaybaadho casriya oo ay hayadda FAO  u samaysay wasaaradda beeraha jsl.

Indho dheero iyo Saylici oo Xadhiga ka jarayXafladaas oo ka qabsoontayxarunta wasaarada beeraha waxa kasoo qeyb galay wasiirka wasaaradda beeraha jsl prof faarax cilmi geedoole , masuuliyiin ka ugu saraysa hayadda foa ee geeska afrika , shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda beeraha iyo marti sharaf kale, waxa ugu horayn halkaasi ka  hadlay wasiirka wasaaradda beeraha jsl prof faarax cilmi geedoole oo ka warbixiyay  dhismeyaasha xadhiga laga jarayo iyo faa iidada ay u yeelan doonaan wasaaradda waxaanu intaa ku daray in uu u mahad celinayo hayadda FAO  sarkaalka ugu sareeya shaqaalaheedda geeska afrika mr  lovely  analuck  oo goob jog ka ah xadhiga jarka dhismayaasha ay ,maalgalisay hayadda foa, waxaanu wasiirku intaa raaciyay in ay hore u gudoonsiisay hayadda foa toban cagaf  isla markaana ay si joogto ah uga caawiyaan qorshaha beeraha ee wasaaradda.

Mr lovely analucky oo ah madaxa geeska afrika ee hayadda foa oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay wada shaqayn fiicani ka dhaxayso hayadda iyo wasaaradda beeraha isla markaana uu ku faraxsanyay mashaariicadda maanta xadhiga laga jarayo waxaanu intaa ku daray in ay sii wadi doonaan kaalmooyinka ay siiyaan wasaaradda.

Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxamaan  cabdilaahi ismaaciil saylici  oo ka hadlay xafladaasi ayaa  u mahad celiyay hayadda foa mashaariicada horumarinta ah ee ay hirgaliso somaliland   waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan ay wada shaqayn iyo xidhiidh fiican ay leeyihiin  maanta at ka gudoomeen mashaariicadda ay ugu deeqeen wasaaradda beeraha eek a kooban dhismayasha iyo shaybaadhada waxaanu usoo jeediyay masuuliyiinta wasaaradda beeraha in ay bulshadda uga faa iideeyaan mashaariicda  lagu soo kordhiyay  waxaanu intaasi ka dib  madaxweyne ku xigeenku uu kormeer kusooo maray dhismayaasha iyo qalabka wasaaradda loogu deeqay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com