Gaalkacyo:April,29,2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha maamul-Goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maalintii shalay si rasmi ah uga dhawaaqay 12 ka mid ah golihiisa wasiirrada cusub.
Qeybdiid, oo ka hadlay xafladda ku dhawaaqista wasiirrada cusub ayaa sheegay inay wali hadhsan yihiin wasaarado kale, kuwaas oo dhawaan la soo dhammeytiri doono.
Xubno ka mid ah golihii hore ee wasiirrada Galmudug ee dhowaan la kala diray ayaa ka mid ah xukuumadda cusub, wuxuuna madaxweyne Qaybdiid sheegay in wasaaradaha hadhsan ay ka soo muuqan doonaan haween.