Hargeysa 08, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ka waramay aqoontiisa la xidhiidha shaqsiyadii marxuumkaas.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo axsaabtii uu ka baxay marxuum Gaariye oo maanta lagu duugay qubuuraha Xeedho ee galbeedka caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Norway. “Allaah ha u naxariisto Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ahaa shakhsi aad u weyn oo halgamaa ahaa. Gaariye wuxuu ahaa gabayaa, wuxuu ahaa macalin weyn, nin wadani ah, nin magaca iyo taariikh ku lahaa umadda reer Somaliland oo aanaan waligayo ilaawi doonin,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Wuxuuna intaa raaciyay; “Waxaan ku xasuustaa doorka uu ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka oo aanu hal-abuurka oo kaliya ahayn, balse uu furinta joogay, xikmaddiisa, odaynimadiisii, nabadayntiisii iyo hogaamintiisa baan ku soo xasuustaa.”





Sidoo kale, waxa uu ka waramay hab-dhaqankii wanaagsanaa ee marxuum Gaariye, iyadoo aaska qaran ee loo sameeyay loo fasaxay badi xafiisyada hay’addaha dawladda, waxaana aaskiisa ka qaybgalay madaxda kala duwan ee waaxyada qaranka, xisbiyada, masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
