Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Siminaarkii uu Wasiiradda uga furay Madaxtooyadda ku magacaabay Lix Guddi oo Golaha horkeena xalka Dalka lagu Dhaqayo

Hargeysa 8, October (SDN)- Fadhigii shalay ee Golaha Wasiiradda uga socda maalintiisii labaad Qasriga Madaxtooyadda ayaa lagu qaybiyay Lix Guddi oo ka kooban xubnaha Golaha Wasiiradda, kuwaasoo isku soo duba ridi doona Xalka kama danbaysta ah ee ay Xukuumaddu ka gaadhay halka Geediga Siyaasadeed iyo Horumarin ee Dalku Fooda saari doono, mudada uga hadhay wakhti xileedka la doortay Xukuumadda Kulmiye oo ay kala badh ina dhaaftay.

Guddiyadda laga saaray kulamada ka socda Qasriga Madaxtooyaddu waxay kala yihii Lix guddi oo kala ah Miisaaniyada 2013, Dibu habaynta iyo Horumarinta cadaaladda, Nabadgelyadda iyo goboladda  barri, Dibu habaynta Dhulka iyo Hantida ma Guurtada ah, Siyaasadda Arrimaha Dibeda, kaydka Cuntadda food security iyo guddida ugu danbyasa oo ah Guddida Shaqo abuurka.

Guddiyadda la magacaabayna waxa ay kala yihiin:-

Miisaaniyada 2013

C/casiis Maxame Samaale

Maxamud Axmed Barre

Maxamud Xaashi Cabdi

Axmed Cabdi Xaabsade

C/laahi Abokor Cismaan

Mawliid Maxamud Ibraahim

Cismaan C/laahi Saxardiid

Cali Cabdi Saa’iq

Sacad Cali Shire

Xuseen Maxamud Maxamed Xoog

Nimco Xuseen Qawdhan

 

Dibu habaynta iyo Horumarinta cadaaladda

Xuseen Axmed Caydiid

Maxamud Siciid Gacamay

C/laahi Jaamac Cismaan Geel-jire

Cali Cilmi Geelle

Abiib Diiriye Nuur

Nimco Xuseen Qawdhan

Nabadgelyadda iyo goboladda  barri

Maxamed Caraale Duur

Axmed X Cali Cadami

C/risaaq Khaliif Axmed

Cali Xaamud Jibriil

Xirsi Cali X Xasan

Cabdi Aw Daahir Cali

C/risaaq Cali Cismaan

C/laahi Maxamed Daahir

Sh khaliil C/laahi Axmed

Keyse Cabdi Yuusuf

C/laahi Jaamac Cismaan Geel-jire

Dibu habaynta Dhulka iyo Hantida ma Guurtada ah

Axmed Cabdi Xaabsade

Maxamed Nuur Carraale Nuur

C/laahi Jaamac Cismaan geel-jire

Cali Xaamud Jibriil

C/laahi Maxamed Daahir Cukuse

Keyse Cabdi Yuusuf

Xuseen Cabdi Ducaale

Axmed X Cali Cadami

Siyaasadda Arrimaha Dibeda:

Maxamed C/laahi Cumar

Xirsi X Cali Xasan

Sacad Cali Shire

Cismaan C/laahi Saxardiid

C/casiis Maxamed Samaale

Sh khaliil C/laahi Axmed

C/risaaq Khaliif Axmed

Cabdi Aw Daahir Cali

Mawliid Maxamud Ibraahim

Maxamud Xaashi Cabdi

 

Kaydka Cuntadda food security

Faarax Cilmi Maxamud Geedoole

Maxamud Siciid Gacamay

Maxamed C/laahi Cumar

Xuseen Axmed Caydiid

Abiib Diiriye Nuur

Cali Cilmi Geelle

Cismaan Garaad Soofe

Cali Siciid Raygal

Samsam Cabdi Axmed

Xuseen Cabdi Ducaale

 

Shaqo abuur

Maxamud Axmed Barre

Samsam Cabdi Aadan

C/laahi Abokor Cismnaan

Xuseen Muxumed Maxamed Xoog

Cali Cabdi Saa’iq

Cali Siciid Raygal

C/risaaq Cali Cismaan

Xuseen Cabdi Ducaale

faarax cilmi maxamud

Cismaan Garaad Soofe.

Guddiyaddan oo shalay la xulay ayaa fadhigoodii oo dhan ku qaatay sidii ay isugu soo dubaridi lahaayeen hawsha loo saaray oo ah sidii gudii walba u keeni lahayd xalka ay u aragto in Xukuumaddoodu ay wax ugu qaban karto Bulshada Reer Somaliland ee sugaysa, oo mudadii ay Xilka u hayeen ka tabaysa Maamulkooda gaabis badan oo ah dhinaca Adeega Bulshada, Siyaadda iyo Horumarka.

Guddidani waxay kulankooda sadexaad oo dib ugu dhacaya Maalinta Salaasadda ah soo bandhigi doonaan qorshayaasha ay isla soo meel dhigeen, halkaas oo lagu soo gaba gabayn doono qorshihii kulankaas oo ahaa in sadex cisho loo Negaado tallo lagu hago Dalka, waxaana la filayaa qoddobadda ka soo baxa in ay Xukuumaddu ku shaqayn doonto.

Kulanka shalay waxa uu kaga duwanaa kulankii ugu horeeyay waxa hawl galay oo kaliya Lixda Guddi kuwaasoo u shaqaynayay sidii Siminaaradda oo kale, hase yeeshee kulankii ugu horeeyay waxa lagu dhagaystay Warbixino ay wasaarad kastaa ka soo diyaarsatay Waxqabadkeedii iyadoo ku soo xidhaysay Caqabadaha ka hor yimi ee ay u fuli waayeen ku talagalkoodii shaqo.

Xigasho: Waaheen