Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Magaalada Laascaanood.

SIILAANYO IYO GANBADHALaascaanood,27july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti ballaadhan oo xukuumaddiisa ka  tirsan ayaa gaadhay magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood ayaa dadweynaha magaaladaasi  waxay usoo dhaweeyeen si weyn waxaana ay dadweynaha kula shireen madaxweynaha iyo weftigiisu huteelada waaweyn eek u yaala magaalada laascaanood.

Madaxweyne siilaanyo ayaa dadweynaha u sheegay in ay usoo jeedsatay dowladdiisu haatan dhinaca horumarinta gobolada bariga Somaliland oo uu sheegay in gobolada galbeedka ay aad uga danbeeyeen waxaana uu halkaasi ka furay mashaariic dhinaca waddooyinka ah oo dowladda Somaliland hirgalisay.

Waxa kale oo uu dhagax dhigay dhaam weyn oo loogu talo galay in wax lagaga qabto biyo la’aanta magaalada. Booqashadan madaxweyne Siilaanyo ku tagay gobolka sool ayaa ahayd mid aan horay loo sii shaacin.

Wixii warar ah Ee Kasoo Kordha safarka Madaxweynaha Halkan Kala Soco Insha Allaah.