|

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Fal Celiyay Dhawaqii Dawlada Somalia ugana digay ka Hadalka Somaliland

Hargaysa 08.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka dalbaday Dawlada Soomaaliya inay joojiso hadalada carqaladaynaya wada hadalada labada dal u socda, isla markaana waxa uu ku dooday inaanay aqbali doonin farogalin Soomaaliya ku samayso arrimaha ka socda gudaha Somaliland

Axmed-Siilaanyo1“ Waxaan Soomaaliya ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya, waayo? Waxa kaliya oo ay waxyeelaysaa wada hadalada Socda. Somaliland ma aqbali doonto Nooc kasta oo faro galin ah oo lagu sameeyo Xuduudaheeda. Gefaf kasta oo nagaga yimaada Jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si lamid ah”.Sidaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay qoraal uu maanta ku baahiyay bartiisa uu ku leeyahay Twitter-ka.

Hadalkan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka danbeeyey, kadib markii shalay Wasaarada macdanta iyo Petrol-ka dawlada Federaalka Soomaaliya ay uga digtay shirkad Chines ah oo la yidhaaahdo ARC oo hawlo macdan qodis ka wada deegaanka SIMODI oo ka tirsan Gobolka Awdal ee Somaliland, taasina waxay u muuqataa inay dawlada Soomaaliya farogelin qaawan ku soo qaaday dawlada Somaliland.

Comments are closed