Muqdisho:22-Oct-2013(SDN)-Waxa saaka magaalada Muqdisho dhaawac xooggan lagu gaadhsiiyey Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo u shaqanayey Telefishanka Universal.
Wariyaha ayaa la sheegayaa in koox hubaysani ay rasaas oodda kaga qaadeen, waxana ku d hacay in ka badan shan xabbadood oo meelo kala duwan ka helleelay.
Dhawaca wariyaha ayaa la dhigay isbitaal madiino waxana dadkii halkaa gaadhay ay sheegen in wariyaha dhawac badan ay ku yaaliin, waxana haatan lagu wadaa qalliin si xaaladiisa wax looga baddalo
Ilaa haatan lama sheegin cid loo qabtay dhacdadaas lagula kacay wariyaha, waxana haatan la sheegayaa in xaalladiisu halis tahay oo aanu wax ka soo rayn ah lahayn.
Wixii warar ah ee ka soo kordha xaalladda wariyaha waxanu idiinku soo gudbin doonaa Wararkayaga dambe.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
