Hargeysa 21, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray bahda fanka iyo suugaanta iyo qoyska uu ka baxay marxuum Fanaan Faysal Cumar Mushteeg.
Marxuum Mushteeg oo xalay ku geeriyooday magaalada Berbera, waxa uu muddo dheer ku soo dhex jiray bahda Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid ahaa fanaaniinta sida aadka ah looga yaqaano dhulka Soomaalidu degto.
Dhambaalkaas tacsida ahi waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, FAYSAL CUMAR MUSHTEEG oo ku geeriyooday Xalay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa iyada oo loo sii waday in loo duuliyo Dalka Ingiriiska.
Marxuumku waxa uu ahaa Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibada u tagay fanka Somaliland iyo sidoo kale dadyoga af-somaliga ku hadlaba dhamaantood, waxaanu ahaa macalin dad farabadan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba.
Sidoo kale Waxa uu ahaa fanaaniintii ka so qayb qaadatay halgankii dalkan lagu horeeyey.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
