PESHAWAR, 21 September 2012 (SDN)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, tiro kale oo badana way ku dhaawacmeen dibad-bax rabshado watay oo Jimcihii maanta ka dhacay dalka Pakistan.
Siday ku warantay AP, mudaharaadkan waxa ka qaybgalay tobanaan kun oo qof, kuwaasoo dibad-baxyo ka dhigay jidadka magaalada Peshawar ee dalka Baakistaan, kaasoo ay ku muujinayaan siday uga soo horjeedaan filimka diinta Islaamka lagu aflegaadeeyay ee Internet ka lagu faafiyay.
Boolisku waxay rasaasta rabadhka ah iyo gaaska dadka la ilmaysiisa ku fureen dibad-baxeyaasha, iyadoo uu mid ka mid ahna Boolisku toogasho ku dilay, sida uu sheegay Mr. Rohhullah Khan oo ah sarkaal Boolisk oo ka tirsan ciidanka Pakistan.
Todobaadkii u dambeeyay, waxa dalalka dunida Muslimka ka socda dibad-baxyo rabshado khasaare nafeed, maaliyadeed iyo kuwo kaleba dhaliyay oo ka dhan ah filimkaas, iyadoo weli mudaharaadyadu ka soo socdaan dalalka qaarkood.
Qurbejoog.com, Peshawar
