Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray bahda Waxbarashada iyo qoyska marxuum Macalin Qaasim Xaaji Maxamed oo maanta ku geeriyooday degmada Sheekh

Hargeysa 7, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Dhamaan reer Macalin qaasim, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u diryaaa Bahda Waxbarashada, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynayo Geerida ku timid MARXUUM MACALIN QAASIM XAAJI MAXAMED oo ka mid ahaa Macalimiintii fara ku tiriska ahaa ee muddo aad u dheer laguna qiyaasay 100 sanno dadka wax soo barayey.

MARXUUMKU, oo da’a diisa lagu qiyaasay in ka badan 116 sanno ayaa maanta ku geeriyooday Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, laguna aasi doono berito 10-ka Subaxnimo Degmada sheekh.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhamaan reer Macalin qaasim, Bahda Waxbarashada iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii  uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.