Hargeysa April, 8, 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta dalka Turkiga u hoggaamiyay weftiga Somaliland uga qaybgalaya wada-hadalada Soomaaliya.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta duhurkii ka dhoofay madaarka Hargeysa, waxa uu weftigiisu ka kooban yahay ilaa 7 xubnood, waxayna maalmaha soo socda magaalada Ankara kaga qaybgalayaan wejiga labaad ee wada-hadalada Somalia iyo Somaliland oo ka soo bilaabmay kulankoodii koowaad ee 21-sannadood labada dhinac ku yeesheen magaalada London bishii Juun 2012. “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada-hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Inaga siyaasaddeenu waxay ahayd goor walba, markasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tegaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qaybgalay, meelo aynu ka gows-qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa. “Waxa inoo furmaya wada-hadaladii, madax badan oo Raysal-baarlamaanku [guddoomiye Cirro] ka mid yahayna waanu ku tegaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu, waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Weftiga Somaliland ku metelaya wada-hadalka dawladda Soomaaliya waxay kala yihiin; Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirada; Khaarajiga Mr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Madaxtooyada, Xirsi Cali Xasan, Shaqada iyo arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed (Garaad), Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid, guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Qurbejoog.com, Hargeysa
