Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilal Gudoomiyeyaal ku Taxay Mucaaridkiisii Hore

Hargaysa 17.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Warsaxaafadeed uu Caawa soo Saaray ku Magacaabay laba Laba Gudoomiye iyo Hal Gudoomiye Ku Xigeen.

Siilaanyo3Madaxweynaha ayaa Laba Gudoomiye u Magacaabay Gobolada Togdheer iyo Selel iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Iska Casilay Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje u Magacaabay Maxamed Muuse Diiriye oo ahaan Jiray Agaasimihii Telefishanka Qaranka ee Xiligii Xukuumadii Rayaale halka C.risaaq Waaberi Rooble oo ahaan Jiray Wasiirkii Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladii Hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale u Magacaabay
Gudoomiyaha Gobolka Selel.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa Sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay  xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tix-geliyey:                       Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin

                  Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:                     in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

WUXUU GO’AANSADAY

 

1.      In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.      In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3.      In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL-KA QAADIS

Mudaneyaal ,

Waxaan idinka  mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel  iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel)  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel).

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.