Uncategorized

Xasan Sheekh Oo Wareegto Ku Mamnuucay Eryidda Shaqaalaha Dawladda iyo Qoristoodaba Xilligtan Xaasaasiga ah

Muqdisho:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud, ayaa soo saaray Wareegto uu soo saaray waxa uu ku Mamnuucay inay Madaxda Dawladdiisu sameeyaan qorista shaqaale Cusub, eryidda kuwo shaqayn jirey iyo waliba Dallacsiinta saraakiisha haatan shaqeeya.

popNuqul ka mid ah Wareegtadan  oo  soo gaadhay warbaahinta, ayaa waxaa ku qornaa inay  soo baxday 2/12/2014 waxayna wareegtadan soo bixideeda  ku soo beegantay xilli xil qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale wareegtan ayaa saameyn ku yeelan karaysa magacaabis ay qaar ka mid ah wasaaradaha dowlada sida wasaarada arrimaha gudaha ay xilal u magacowday mas’uuliyiin heerar kala gedisan leh illaa baarlaamaanku uu ka xalinayo siyaasada dalka.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo kaliya uu magacaabi karo,shaqada ka eryi karo isla markaana dalacsiin karo shaqaalah rayidka ah ee dowlada.

Wareegtadan ayaa lagu sababeeyay inay ka dhalatay kadib markii ay kordheen cabashooyinka la xidhiidha shaqo qorida,kala bedelida iyo dalacsiinta xilalka sarsare ee dowlada.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com