Nairobi June 04 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka dhoofay garoonka Magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa la filayaa in Nairobi uu kula kulmo hogaamiyaha kooxda Raaskambooni ahna mid kamid ah xubnaha sheegtay madaxda Maamul goboleedka Jubaland.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sidoo kale uu Nairobi kula kulmo dhigiisa Kenya Uhuro Kenyatta kaasi oo kawada hadli doonaan Arrimaha gobolka iyo Jubland.
Lama hubo in uu la kulmi doono Faroole oo ku sugan Nairobi iyo xubno kale oo ka socda Juland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Khilaafka Jubooyinka ayaa ah mid sii xoogeysanaya waxaana hore loo sheegay in dowladda Soomaaliya looga danbeyn doono arrimaha Soomaaliya iyo maamul u sameynta gobolada dalka.
SDN-Nairobi
