Uncategorized

Madaxweyneyaasha Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Faroole oo fadhi ku kala kacay(SAWIRO)

Nairobi Juune 07,2013(SDN)-Kulan xalay ay isugu yimaadeen magaalada Nairobi madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo dhamaaday isfaham waa.

Labada Masuul ayaa ka wadahadalay qodobo la isku mari waayay oo ay ka mid ahaayeen arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo iyo Dastuurka dalka.

Qodobadan oo labada dhinac ay si weyn ugu kala fog yihiin ayaa sababay in kulankii xalay lagu kala kaco.

Ma cada ilaa iyo hada in ay jiraan kulamo kale oo dhinacyada u qorsheysan in ay dib ugu kulmaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa taageeray maamul dhawaan looga dhawaaqay Kismaayo.

Sidoo kalena dawladaha reer galbeedka ee xaruntoodu tahay Nairobi ku ashkateeyay dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com