|

Madaxweynihii hore ee K/Africa Nelson Mandela oo ku guuleystay qaliin lagu sameeyay

Cape town Dec 15 2012 (SDN)- Madaxweynihii ugu horeeyay ee Madow ah ee soo qabtay talada dalka Koofur Africa Nelson Mandela ayaa lagu soo waramayaa in lagu guuleystay qaliin lagu sameeyay sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Mr Mandela oo ay da’diisu tahay 94-sano jir ayaa la dhigay Isbitaal Sabtidii hore kaddib markii xanuun kilyaha ah uu ku soo booday Madaxweynihii hore ee Konfur Africa.

War ay soo saartay dowlada Koofur Africa ayaa waxa ay ku sheegtay in Madaxweyhii hore ee  Nelson Mandela oo fayaqabo islamarkaana dhaqaatiirtu ay sheegeen in uu ku guuleystay qaliinkii iyo tijaabadii la mariyay.

Mr Mandela ayaa inta badan dadka reer Koofur Africa waxa ay u tixgaliyaan in uu yahay Abaha qaranka madaama uu u soo dagaalamay dimoqoraadiyay iyo sinaan.

Waxa uu ninkan galgan culus u soo galay sidii dadka tirada yar ee cadaanka ah ee talada hayay looga tuuri lahaa islamarkaana madowga ay awooda u qaban lahaayeen waxaana dhib iyo raaf ka dib uu ku guuleystay sanadkii 1994tii in uu noqdo Madaxweynihii u horeyay oo Madow ah oo dalkaasi taladiisaqabta.

Sikastaba guulaha uu Nelson Mandela gaaray waxaa ka mid ah in uu ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii 1993.

SDN-Cape town

Comments are closed