|

Burco: Fadhigii koowaad ee xubnaha cusub ee Deegaanka oo lagu doortay Maayarka iyo kuxigeenkiisa

Burco 15, December 2012 (SDN)- 21 xubnood ee golaha deegaanka cusub ee degmada Burco, ayaa maanta yeeshay fadhigoodii u horeeyay, isla markaana doortay maayorka iyo ku-xigeenka magaaladaas oo xarun u ah gobolka Togdheer.

Fadhiga oo ay wadajir u shirgudoominayeen guddoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir iyo xubinta ugu da’da wayn xildhibaanada cusub ee degmadaas, waxa lagu doortay guddoomiyaha iyo kuxigeenka golaha deegaanka Burco.

Xildhibaanada deegaanka Burco waxay maayorka magaaladaas u doorteen Maxamed Muraad oo aanay cidi kula tartamin jagadaas, isla markaana helay 20 cod, halka ay ku-xigeenka duqa magaalada u doorteen Muxumed Axmed Xasan (Xoday) oo isna aanay cidi kula tartamin xilkaas, isla markaana helay 20 cod.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayer oo hadal ka kooban ka jeediyay fadhigaas, waxa uu hambalyeeyay maayarka iyo kuxigeenkiisa cusub ee Burco, wuxuuna Allaah uga baryay inuu xilkaas u fududeeyo. Guddoomiyuhu waxa uu ku dardaaray inay ka shaqeeyaan oo ay muhiimada siiyaan horumarinta bulshadooda.

Ugu dambayn, hoggaanka cusub ee la doortay oo iyana hadalo ka jeediyay gunaanadkii fadhigaas, waxay muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin xilalka loo doortay, waxayna balanqaadeen inay ka shaqayn doonaan horumarinta magaalada Burco.

Fadhigan oo ahaa kii u horeeyay ee ay goleyaasha deegaanka cusubi yeeshaan tan iyo doorashadii Deegaanka ee November 2012 ka qabsoontay Somaliland, waxa uu ku gebogaboobay jawi degen.

Qurbejoog.com, Burco

Comments are closed