Toronto Nov 14,2012(SDN)-Magacaabidii loo magacaabay Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka wasaarada arimaha dibedda ee dalka Soomaaliya waxa diidmo ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Siyaasiyiinta ka hadlay maacaabida Fawsiya ayaa intooda badan hadaladoodu u badanaayeen qaar isu muujinaya in ay yihiin Wadaniyiin.
Halka qaar kale oo saxaafada lagu xusay in ay xilkaa quudareeneyeena ay kuba sheegeen Marwo Fawsiya danbiile.
Xukuumada Axmed Siilaanyo waxa ay taariikhda Somaliland ugu suntan tahay in ay tahay tii u horeysay e jebisay gidaarkii siyaasadeed ee dhex yiilay Somaliland iyo Soomaaliya,ka dib kolkii ay si dadban iyo si badheedha ugu dhex milantay siyasada Soomaaliya.
Ta kalena khaladaad ay sameysay xiligii lagu kala reebayay ururada siyaasada ayaa keenay in masuuliyiinta in ka badan ilaa afar urur siyaasadeed oo dareensan in la gacan bidixeeyay ay u hayaamaan magaalada Muqdisho oo xilal u doontaan.
Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiin iyaga oo xilala muhiima u haya Somaliland oo hadan u hanqal taagaya Muqdisho ma aha kuwi wax ka sheegi lahaa magacaabida Fawsiyo Yusuf Xaaji Aadan loo magacaabay wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Somaliya.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com
