Amarillo Nov 14,2012(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa xabsi daaim ku riday nin u dhashay dalka Sucuudiga ka dib kolkii uu weeraray aqalka madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George Bush.
Khalid Aldawsari oo ahaa ardey Mareykanka wax ka baranayay ayaa lagu qabtay walxaha qarxa iyo qorsheyaal qoran oo muujinayay goobo kale oo uu damacsanaa in uu weeraro.
Khalid ayaa sanadii 2011 FBIdu qabatay ka dib kolkeey ka war heleen weerarada uu qorsheynayo ee uu la damacsan yahay aqalka madaxweynihii hore ee Mareykanka iyo wershad tamarta neuclerka dhalisa.
FBIda ayaa baartay Khaalid ka dib kolkii uu dalbaday chemicalka Phenol oo uu ka sameyn karayay ilaa 15 bomb.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in kasta oo uu dalbka sameeyay Khaalid hadan kolkii danbe in uu isbedelay oo aanu iibsan,sidoo kalena aanu wax tilaabo ah qaadin.
Khalid Aldawsari ayaa maxkamada ka hor sheegay in uu ka xun yahay falka uu damacsanaa balse aanu cidana waxba u geysan.
Ugu danbeyntiina waxa maxkamadu ku riday Khaalid xukun xabsi daaim ah.
SDN-Amerillo
contact@somalidiasporanews.com
