|

Cilado Iska Daba Yimid oo Sabab u noqday in Qaybo ka Mid ah Caasimada Hargaysa ay Waayaan Laydhkii dawlada

Hargaysa 31.March 2014 (SDN)- Wakaaladda Korontada Dawladda ee Hargeysa ayaa Macaamiisha ay laydhka u shidaan ka raali geliyey Laydhka oo Habeenadii u dambeeyay ka bakhtiisnaa. Waxa ay sheegtay in Mashiinnada Laydhka Cilladi soo wejahday.

laydh“ Waxan Mashiinnada Bini’aadam baa sameeyey Cilladuna way imanaysaa, markaa waxaanu Dadweynaha ka raali gelinaynaa Laydhka Habeenadii u dambeeyay ka bakhbakhtiyey. Mashiinnaddii ayaa Ciladi la soo daristay, markaa laba imika way shidan yihiin, midna waa lagu hawlan yahay sidii looga shaqaysiin lahaa, Culayskii Magaalada ayay labadii Mashiin qaadi kari waayeen, Markaas waxaanu bilawnay inaanu Saacado Kooban Magaalada meelo ka mida Laydhka ka joojino, si inta la xalinayo Magaaladuna ay u shidnaato.” Ayuu yidhi ku xigeenka Maareeyaha Wakaalada Korontada.

Masuulkan u hadlay Wakaaladda Korontada ayaa sheegay in si dhakhso ah Ciladdaasi loo maarayn doono “ Makaaniyiintii ayaa hadda Gacanta ku haysa, farsamadoodiina waa la wadaa,ugu dambayna Galabta ama Caawa way dhamaanaysaa, waxaanuna ku rajo waynahay in Laydhkii Caawa Baxo haddii kalena uu Barito Baxo.” Ayuu sheegay Maareeye Xigeenka oo warbaahinta la hadlay.

Ilaa afartii habeen ee la soo dhaafay ayaa dadka Isticmaala Laydhka Dawladda waxaa la soo daristay Ileys la’aan ka dib Laydhka oo Mararka qaar bakhtiyey ama aan dadka qaar u soo dhacaynba. Wakaalada ayaa hore dhawr Maareeye looga bedelay kuwaasi oo qaarkood Musuqmaasuq lagu Eedeeyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed