|

“Waxaanu kala Saxeexanay Hay’adaha iyo Qaadhaan Bixiyeyaasha Doorka dhinac waliba ka qaadanayo Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa” Wasiirka Biyaha

Hargaysa 31.March 2014 (SDN)- Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay Somaliland ka saacidi doonto mashaariic badan oo la xidhiidha horumarinta biyaha, waxaanay dawladdu Jarmalku Somaliland u soo diri doontaa wefti soo darsa baaxadda baahida biyaha Somaliland.

Wasiirka biyahaSidaasna waxa  daboolka ka qaaday Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdalla, oo Sabtidii dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay shan maalmood ugu maqnaa dalka Kenya oo uu kaga qeyb galay shirar ay  Nairobi ku qabteen Hay’ado ay wasaaradiisa wada shaqayn leeyihiin.

Aniga iyo Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa 24/3/2014 safar shaqo ku tagnay magaalada Nairobi,  waxaanan casuumad ka helnay Hay’adda FOA  iyo Ha’yad kale oo la shaqaysa, waxay noogu yeedheen  shir lixdii biloodba mar la qabto waxaa si guud loogu dhageystaa shaqooyinkii la qabtay  lixdii bilood ee la soo dhaafay, waanan ansixiyey macluumaadka iyo warbixinta  lixdaa bilood ee hore, waxaa kale oo la isla meel dhigay lixda bilood ee soo socda waxaa la qabanaayo,”ayuu yidhi Wasiirku

 

Wasiir Xuseen Axmed Cabdulla waxa uu  sheegay inuu soo saxeexay heshiis ku wajahan kaalinta ay biyo balaadhinta Hargeysa ka qaadanayaan xukuumadda, Ha’yadaha caalamiga ah iyo qaadhan-bixiyeyaashu, isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Heshiiska waxaa wada saxeexay aniga Wasiirka ah iyo madaxa hay’adda UNICEF ee xafiiska Nairobi oo la yidhaa Dr. Khaan,  safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya Kenya oo ka wakiil ah Midawga Yurub oo deeqaha biyo balaadhinta ee u badan siiya Somaliland, waxaan heshiiskaasi si cad ugu qoran dhinac  kastaaba  doorka uu ka qaadanayo hawshaas biyo balaadhinta caasimadda.Taasi oo lagu ogaan doono cida iyo halka ay wax ka xumaadeen haddii qalad dhaco, waana markii uu horeysay ee heshiis noocaas ah ay Wasaarada Khayraadka Biyuhu gasho.”

 

“Waxa kale oo aanu fursad u helay intii aanu Nairobi  joogay Hay’addo badan oo wada shaqayni ka dhaxayso Wasaarada Biyaha Somaliland. Waxaanan ugu horeyn la kulmay Hay’adda Habitat, oo iyadu gacanta ku haysa mashruuca biyo balaadhinta magaalada Hargeysa, ninka ka madaxda ah, waxaa uu si buuxda iigu balan  qaaday in biyo balaadhinta magaalada  Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland biyo yaraanteeda wax inagala qaban doono mashaariic cusubna ay bilaabi doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka Biyuhu.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay kulan uu la yeeshay sarkaalka haysta xafiiska UNICEF ee Nairobi fadhigiisu yahay, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo aan la kulmay madaxa Hay’ada UNICEF ee Nairobi magaciisana la yidhaa Dr. Khaan mashaariic badan oo biyo balaadhinta Somaliland ka wada, waxaanan ka codsaday inuu wax nagala qabto sidii Somaliland biyo yaraanta looga saari lahaa ee loo xidhi lahaa dooxyada, ceelal cusubna loo qodi lahaa, waxaanu madaxa UNICEF ee Nairobi inuu wax muuqda inagala qaban doono sidii biyo yaraanta looga bixi lahaa.

Waxa kale oo aan madaxa UNICEF ka codsaday inuu wax nagala qabto sidii loo dhisi lahaa xaruntii Wasaarada oo aan hada jirin, waxaanu ii balan qaaday inay dhawaan dalka iman doonaan oo qiimeyn doonaan wixii ay inagala qaban karaan dhismahan  Wasaarada Khayraadka Biyaha oo qorshaha iigu  jira in aan dhiso inta aan xilka hayo Inshaa Allaa.”

 

“Waxaan   la kulmay gabadh  ka socota dalka Jarmalka   oo safaarada  Jarmalka  wakiil  uga ah deeqaha ay dawlada Jarmalku  siiso dalalka soo koraya, waxaanay ii sheegtay inay Somaliland si toos ah u siin doonaan deeq loogu tallo galay in biyaha inta u badan wax lagaga qabto Somaliland, waxa dalka iman doona 14/4/2014 wefti ka socda dalka Jarmalka oo darsaya mashaariic ay biyaha horumarintooda wax inagala qabanayaan,”ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyuhu.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed