|

Malaayiin doollar oo loogu yaboohay dadkii qaraxii Muqdisho ku wax yeeloobay

Muqdisho. 31 October, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya iyo shirkadaha ganacsiga ee gudaha Soomaaliya ayaa malaayiin doollar ugu yaboohay dadkii ah wax yeeladu kasoo gaadhay qaraxyadii is xigay ee Muqdisho ka dhacay kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof.

Xukuumadda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday adduun dhan $1 million halka ay shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ku yabooheen boqolaal kun oo doollar. Dahabshiil waxay balan qaaday $500,000 halka Hormuud ay balan qaaday $200,000.

Inta badan dhaliishu waxay tahay in dadka aanay gaadhin lacagahani ama waxa ka gaadhaa ay tahay wax faro ku tiris ah marka loo eego lacagaha lagu deeqo.

Soomaaliya ayaa weli xalin kari la’ dhibaatada qaraxyada ee Muqdisho haysata.

Comments are closed