|

WHO oo cawineysa dadakii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ee muqdisho

Muqdisho October 30, 2022 (QJ) –  Madaxa hay’adda caafimaadka Aduunka ee (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad oo deg deg ah u dirayaan.

Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyeen qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Soobbe.

Madaxa WHO wuxuu kaloo uu sheegay in ay Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo dhayi lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Muqdisho ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen.

 

Comments are closed