Kambala:June,10,2014(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya Wararka Dhhiillada leh ee Ka dhanka ah Xasiloonida Dalalka Geeska Afrika.
Uganda ayaa Noqotay Dalkii ugu dambeeyey eek u yaalla Afirkada Bari ee Maraykanku ka soo saaro digniin ku Aaddan in weerarro ka dhici karaan.
Qoraal ay soo saartay safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Kamball ee Xarunta dalka Uganda ayaa lagu muujiyey Cabsi ku aaddan weeraro Halkaas laga geysto muddada uu socdo Koobka Adduunku.
Maraykanka ayaa Muwaadiniintiisa Halkaas Jooga uga Digay inay ka Taxadaraan Isku dayo la rabo in lagu fuliyo Weerarro iyaga ka dhan ah.
Hadalka Kasoo Baxay Safaarada Dowlada Mareykanka Ay Ku Leedahay Caasimada Uganda Ee Kamabala Ayaa Sidoo Kale Waxaa Lagu Sheegay In Weerarda Argagaxiso Laga Baqayo In Lagu Soo Beego Maalinta Furitaanka Koobka Adduunka Oo khamiista Soo Socota Ku Beegan Waxaana Muwaadiniintiisa Uu Uga Digay In Ay U Soo Socdaalaan Gudaha Dalka Uganda Si Loo Baajiyo Qasaare Muwaadiniinta Mareykanka Kasoo Gaadha Weeraradaasi.
Dowlada Mareykanka Ayaa Waxa Ay Sheegtay In Meelaha Taarget-ka Ah Ay Ka Mid Yihiin Hoteelada, Goobaha Ganacsiga, Goobaha Laga Daawado Cayaaraha, Goobaha Laga Adeegto Ee Dukaamada waaweyn, Wadooyinka Mashquulka Gaadiidka Dadweynaha Iyo Xarumaha Safaaradaha Ee Ku Yaala Caasimada Uganda, Waxaana Ay Ugu Baaqday Laamaha Ammaanka Uganda In Ay Kordhiyaan Feejignaanta.
Dhacdada Afartii Sanno Mar La Qabto Ee Koobka Adduunka Ayaa 12Ka Bishan Oo Khamiista Ku Beegan Waxa Uu Si Toos Ah Kaga Furmayaan Caasimada Dalka Brazil Ee Rio Dajenerio, Waxaana Laga Cabsi Qabaa In Goobaha Loogu Talogalay Daawashada Ciyaarahaasi In Ay Hadheeyaan Weeraro Argagaxiso.
Xarakada Al-Shabaab Ayaa Sheegatay Masuuliyada Weeraro Mataano Ah Oo Sanadkii 2010-Kii Ka Dhacay Goob Laga Daawanayey Cayaartii Kama Dambeysta Ee Koobka Adduunka Waxaana Weerarkaasi Ku Dhintay In Ka Badan 70 Ruux Oo Uu Kujiray Muwaadin Mareykan Ah Oo Daawanayey Cayaartaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
