Philadelphia Mar 10,2014(SDN)-Ciidamada xuduudaha ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in ay dhawaan gacanta ku dhigeen Qaad aad u faro badan oo ku coday magaalada Riverwood ee gobolka Illinois.
Ciidamada ayaa sheegay in ay qabteen Qaadkan oo cadadiisu aheyd 46 pounds oo ku jiray sanduuq lagu qoray”farshan”.
Ciidamada ayaa sheegay in isla todobaadkan aydhawr jeer oo kala duwan isla magaalada Philadelphia ku qabtay qaad ukala gooshayay dalka Mareykanka.
Ciidamada ayaa saxaafada u sheegay in sairo x-ray ah oo ay ka qaadeen sanaaduuqda uu qaadku ku jiray ay muujiyeen in wax qaldan yihiin.
Qaadka Mareykanka qarsoodiga lagu geeyo ayaa inta badan la qabtaa iyaga oo aan gaarin halkii ay ku socdeen.
SDN-Philadelphia
contact@somalidiasporanews.com
