|

Mareykanka oo sheegay in aaney hanjabaada Kuuriyada Woqooyi Dheyelsan doonin

Washington Mar 31,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhiilo coladeed xanbaarsan oo ku wejahan Kuuriyada Koonfureed maanta uu ka soo yeeray

Dawlada Kuuriyada Woqooyi ayaa iclaamisay dagaal ay sheegtay in ay isu diyaarisay oo ku wejahan dalka ay Mareykanka xulafada yihiin ee Koonfur Kuuriya.

“Waxa Woqooyiga Kuuriyada naga soo gaaraya warar aan caqiibo laheyn.waxaana aanu haatan xiriir joogta ah la leenahay dalka aanu xulufada Nahay ee Koonfur Kuuriya”sidaa waxa tiri afhayeenka gudida amniga qaranka ee aqalka cad Caitlin Hayden.

Mareykanka ayaa Duyuuradihiisa dagaalka ee xanbaara hubka Nuclearka waxa ay maalmihii ina dhaafay Jasiirad ku taal Korfur Kuuriya ka sameynayeen dhoolo tus dagaal.

Colaad Kuuriyyada Woqooyi ayay dad badani u arkaan mid loogu caga jugleynayo dawlada cusub ee Seoul si markaa ay u bedesho siyaasadeeda ku wejahan Pyongyang.

Sidoo kale waxa ay Pyongyang Washington ka dooneysaa wadahadal ay Mareykanka uga hesho gargaar biniaadamnimo.

Xogahayaha Difaaca ee Mareykana Chuck Hagel ayaa sheegay in Mareykanku ay adkeeyeen difaaca hawada Mareykanka,si looga gaashaanto weerar gantaal oo kaga yimaada Kuuriyada Woqooyi.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed