Washington Nov 17,2012(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka telephoneka kula hadlay Raiisul wasaaraha dalka Turkiga Rejip Dayip Erdogan,labada masuul ayaa u arka Gantaaladu in ay yihiin qaar khatar ku ah shicibka iyo nabad waarta oo barige dhexe sal dhigata.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa iyana xiriir dhanka isgaarsiinta ah la sameysay boqorka dalka Jordan Boqor Cabdalah.
Hillary waxa ay sidoo kale xaalada Gaza kala hadashay raiisul wasaareyaasha dalalka Israel iyo Masar,sidaana waxa saxaafada u sheegay afhayeen wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka Victoria Nuland.
“Waxa hada taagan xaalad khatar ah,khatar ayaa ka jirta gudaha Israel iyo Gazaba”ayay tiri Victoria Nuland.
Intii ka danbeysay maalinimadii Arbacada oo ay xiisadu bilaabatay waxa weerarada ku dhintay sadex ruux oo Yuhuuda iyo labaatan reer Falastiin ah.
