Gaza Nov 17,2012(SDN)-Waxa booqasho rasmi ah ku tegay marinka Gaza raiisul wasaaraha dalka Masar Hishaam Qandiil xili halkaasi ay ku socdeen gantaalo ay Israel la dheceysay.
Raiisul wasaaraha ayaa si adag uga hadlay duqeynta ay Israeliyiintu ku hayaan marinka Gaza.
“Dawlada dalka Masar indhaha kama qarsan doondo duqeynta arxan darada ah ee Israel ay ku heyso shacabka Gaza”ayuu yiri Raiisul wasaaruhu.
Masar ayaa hadalkan raiisul wasaarahooda ka soo yeeray waxa uu noqonaya kii u horeeyay oo nuuciisa ah oo dawlada dalkaa ka soo yeera.
Israel ayaa ku andacooneysa in dagaal yahanada Xamas ay gantaalo la dhaceen degaano dad shacab ahi ay ku nool yihiin.
Xiisada marinka Gaza ayaa cirka isku shareertay ka dib kolkii Israel ay khaarejisay taliyihii ciidamada Xamaas.
SDN-Gaza
contact@somalidiasporanews.com
