|

Markab mudadii ugu dheereed ebid lagu heysto Badaha Soomaaliya

Nairobi Aug 30,2012(SDN)-Burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysata badaha geeska Africa ayaa waxa ay heystaan markab mudadii ugu dheereed ee afduub loogu qabsado markab ebid.

Markabkan oo kuwa xamuulka qaado ah ayaa waxa uu ku sii socday dalka Britain waxaana uu gacanta Burcada ku jiraa ilaa sanadii 2010kii.

Markabkan oo ay leedahay shirkad laga leeyahay Dubai oo la yidhaahdo Azal Shipping & Cargo ayaan halkeeda uga dhaqaaqin markabkan sanadada laga heysto.

Burcada ayaa kolkii ay qabsadeen markabka waxa ay dalbadeen in madaxfurasho ay ku qiimeeyeen 8 milion oo dollar.

Ehelka shaqaalaha maraakiibka Azal Shipping & Cargo ayaa waxa ay aad uga xun yihiin sida shirkadu ula macaamishay la heysteyaasha.

Qaar ka mida Shaqaalaha markabka la heysto ayaa waxa ku dhacay cudur nuuca caloosha gala,oo aan ilaa iyo haatan la garan.

Waxaana haatan soo wejahday la heysteyaasha xaalad murugo leh oo sababi kartaa in qaar ka mida dadkan sanadada la heysto in markabka dushiisa ay ku geeriyoodaan.

Shaqaalaha makabka oo u dhashay dalka Hindiya ayaa waxa ay ka dalbadeen dawladooda in ay gacan ka geysato siideyntooda.

Diblomaayisiyiin ka socda Hindiya ayaa  waxa ay todobaadkan la kulmeen masuuliyiin ka socdey shirkada Azal Shipping & Cargo,labada dhana waxa ay ka wada hadleen sidii xaalada wax looga qaban lahaa.

Ma cada waxa kulamada ka soo bixi kara waxaase cad in xaalada markabkani ay haatan gashay taariikhda maraakiibta la afduubto ee dunida.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed