|

Dagaalka xoreynta Kismaayo oo biloowday iyo cida ku lug leh

Afmadow Aug 30,2012(SDN)-Dagaalka la doonayo in Shabaabka looga saaro magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan u muuqda in uu bilowday shalay,sida ay na soo gaarsiiyeen ilo wareedyo ku nool degaanka Birta dheer.

Dagaalka shalay biloowday oo maantana dhawaqa rasaasta laga maqlayay degaanka Birta dheer oo Kismaayo u jirta 70 km ayaa waxa ku dagaalamay ciidamada ciidamada dawlada iyo kuwa raaskanbooni oo kaashanaya ciidamada dalka Kiinya oo dhan ah iyo meliishaadka kooxda Al Shabaab.

Ciidamada Dawlada ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay la galeen Shabaabka in ay ku dileen ilaa 16 ka mida meliishaadkii Shabaabka.

Dagaalkii shalay ayaa waxa ka qeyb qaatay diyuuradaha dagaalka ee dalka Kiinya oo duqeeyay safafka hore ee difaaca Shabaabka.

Afhayeen u hadlay kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii huwantu ay isugu soo baheysteen oo ay halkoodii weli ku sugan yihiin.

Ma jiraan ilo wareedyo madax banaan oo faahfaahin ka bixisay sida dagaalku u dhacay iyo cida guuleeysatay.

SDN-Afmadow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed