|

Markab Sida Raashin Uu Imaaraadku U Soo Diray Somaliland Oo Dekedda Berbera Ku Soo Xidhay Iyo Wakaalad Ka Warrantay Ujeeddooyinka Laga Leeyahay

Berbera 31. May 2017 (SDN/QJ):- Markab sida gargaar Raashin ah oo gaadhaya 1.700 tan, ayaa soo gaadhay Dekedda magaalada Berbara.

Waxaa gargaarkan ka Wakiil ah Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation oo uu leeyahay Amiirka Imaaraadka, waxaana  loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan  deegaanada Somaliland.

Markabkan ayaa ka soo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa inay qeybintiisa dusha kala socdaan guddi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta.

Markabkan waxaa uu sidaa noocyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Reer Somaliland ee Abaaruhu dhibaateeyeen.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa saldhig ciidamada ka dhisanaysa magaalada Berbera

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dhawaan la wareegay Maamulka Dekedda Berbera oo ay Maalgelin ku samaynayso, halka Dawladda Imaaraadkuna ay Saldhig Milletari ka samaysanayso Magaaladaasi.

Dhanka kale, Wakaaladda wararka Imaaradka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in gargaarkani qayb ka yahay ololaha dawladda Imaaraadka Carabtu hore u shaacisay ee lagu caawinayo Soomaalida abaartu sida xun u saamaysay.

Gargaarkan ay dawlada Imaaraadku soo gaadhsiisey Somaliland oo dhan 1,700 (Kun iyo Toddoba Boqol) oo tan ayaa ka kooban cuntada aasaasiga ah oo kala ah 32,000 (Soddon iyo Laba Kun) Kiish oo Bariis ah oo midkiiba yahay 10kg (Toban Kiiloogaraam),32,000 (Soddon iyo Laba Kun) kiish oo Sonkor ah oo midkiiba yahay 5kg (Shan Kiiloogaraam) 26,667,(Labaatan Iyo Lix Kun,Lix Boqol iyo Lixdan iyo Todobo) kartoon oo Caano ah,40,000 (Afartan Kun) oo Biyo ah oo midiiba tahay 5 Litir,26,668 (Labaatan  iyo Lix Kun Lix Boqol iyo Lixdan iyo Sideed) kartoon oo Saliid ah, 1650 (Kun Lix Boqol iyo Konton) kartoon oo Timir ah ,waxaana intaasi dheer 21,697 oo isugu jira dharka Caruurta iyo Kabo dumar kuwaas oo lagu arrad tirayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Wakaaladda  WAM waxay sheegtay in caawimadan ujeeddadiisu tahay damqasho bani’aadamnimo iyo in Imaaraadku isku fidinayo dalalka Dunida. Waxa kale oo ay ku warantay in Imaaraadku kor u qaadayo doorkiisa Kaalmada Bani’aadamnimo ee dadka Soomaalida ah iyo guud ahaan dunida.

Waxaa muuqata in Imaaraadku qeyb weyn ka qaadanayo gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada Somaliland, maaddaama oo Raashinkan deeqda ahi aanu ahayn kii koowaad ee ay Somaliland ku soo caawiso Dawladda Imaaraadka oo ay matalayso Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation.

Comments are closed