|

“Marnaba Aqbali Mayno Soohdinta u dhaxaysa Punt land iyo Maamulka Gobolada dhexe” Madaxweyne Gaas

Garoowe 01.July 2015 (SDN/QJ)-  Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad u sheegay Puntland inaanay  cidna magan uga ahayn dowladnimadeeda.

cabdiweli gaasCabdiweli oo khudbad ka jeediyay xuska munaasabad lagu xusayo 1-da July oo ah xilligii ay xoroobeen gobollada koonfurta oo Lagu qabtay  xarunta madaxtooyadda ayaa sheegay dowladiisa inanay  dhagaha ka xidhan doonin cid walba oo wax u dhimaysa dowlad-nimada ka jirta Puntland.

 

Puntland nabadeedda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala geli mayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka ahi dabada ka riixayso, wana ku kalsoon nahay in qof kasta oo Puntland  ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan,”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale,madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrimaha xadduuda ee maamulka gobollada dhexe iyo Puntland oo u hore  maamulka u sheegay inay tahay gobolka Nugaal,taasi inaanay dhici doonin. “Waxay hada leeyihiin xuduudu waa Nugaal. Markay runta tagto xuduudu waxay noqonaysa Godilabe iyo Guurceel,”ayuu ku dooday Mr. Gaas.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sida la sugayayba waxuu caddeeyay inay qaadan doonto Puntland go’aan cad,haddii dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya joojin waydo   waxay waddo.

Garoowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed