Bejing:May,11,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Dalka Chine oo Haatan Booqasho ku jooga Dalka Kenya, ayaa sheegay inuu Gacan ka geysan doono Sidii loo celin lahaa dadka soomaalida ah eek u dhaqan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Kenya.
Ra’iisul wasaaraha oo hadalkan jeediyey kadib markii uu la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dowlada China ay diyaar u tahay inay caawiso wadamada Africa, gaar ahaan dalalka ku yaala bariga Africa.
“China waxay taageeraysaa dadaalada Kenya ay ku xaqiijineyso amaankeeda iyo horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta noloshada shacabkeeda, waxaan madaxweynaha isla garanay in China ay diyaariso qorshe ay Kenya kaga caawineyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida”sidaasi ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha china Mr Li.
Dowlada Kenya ayaa mudooyinkii dambe dalbanaysay in la gala qeyb qaato dib u celinta qaxootiga Soomaalida, wixii ka dambeeyay markii qaraxyo ay ka dhaceen magaalooyinka mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkiisa Jaraa’id ayuu sidoo kale ku sheegay ra’iisul wasaaraha China in gacan ay ka geysan doonaan taagerada nabada ee dalka koofurta Sudan iyo sidoo loo horumarin lahaa dhaqaalaha gobolka.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhankiisa sheegay taageerada dowlada China ee amaanka gobolka ay tahay mid wanaagsan oo amaanka wax ka badali karta, isagoo ku amaanay doorka la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida ay ka ciyaareen.
Ra’iisul wasaaraha dalka China ayaa ku joogay dalka Kenya lugtiisii ugu dambeysay safar uu ku joogay qaar kamid ah dalalka qaarada Africa.
Hannaanka ay Chine uga qayb qaadan doonto celinta dadka somalida ah eek u sugan Kenya, ayaan faahfaahin laga bixinin, balse waxa la filayaa inay bixiso kharashaadka iyo lacagaha ku Baxaya celintooda, maadaama aanay Dawladda Kenya awood badan oo dhaqaaale u lahayn inay hesho lacagaha lagu soo rarayo soomaalida Kenya ku dhaqan oo aad u tiro badan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
